Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ayaa qirey in maamulkiisa uu sameysto lacago Sh.som ah oo ay ku dabarayaan sida uu sheegay xagga Mushaaraadka iyo arimo kale, xilli xiisado ay sababeen sicir barar uu ka taagan yahay gobolka Puntland.
Madaxweynaha Puntland oo u waramay markii ugu horreysay ragga wararka fidiya tan iyo markii maalmihii la soo dhaafay deeganada Puntland ay ka bilowdeen rabshado iyo waliba banaanbaxyo ka dhan ah sicir barar ka dhashay lacago S.som ah oo lagu daabaco gudaha Puntland ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan Makiinado lacagahaasi lagu sameeyo oo maamulkiisa uu Koontaroolo.
Waxa uu sheegay in arintaan ay ku qasabtay maamulkiisa ka dib markii ay yaraadeen lacagihii hore ee Sh.Som ah iyo waliba baahi badan oo maamulkiisa uu u qabo in uu helo lacago sh.som ah.
Marka laga reebo makiinadaha lacagaha lagu daabaco ee maamulkiisa uu og yahay ayuu sheegay in ciidamadiisa ay soo qabteen Makiinado kale oo ay lahaayeen dad kale.
Arimahaan ayaa waxa ay saameyn ku yeesheen howlihii ganacsi ee maamulka Puintland, iyadoo sare u kaca uu ku yimid qiimaha la kala siisto badeecooyinka kala duwan.
المزيد ...كتبها abdirahman ali في 01:47 مساءً :: 4 تعليقات
الاسم: abdirahman ali

Dab ay ciidamada Ethiopia qabad siiyeen gurigii ay ku noolaayeen labo wiil oo ardey ah, isla markaana ay jirdil u geysteen
Wiilal ehel la ah wiilasha la jirdilay oo kor u haya mid ka mid ah buugaatii ay wax ku baran jireen dhalinyarada ay jirdilka u geysteen ciidamada Ethiopia
